Isku xirrada

Qaraxyo lala beegsaday Makhaaxida Village


Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintey laba qarax oo is miidaamin ah oo lala beegsadey makhaayad ay dad badan ku sugnaayeen, magaalada Muqdisho. Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmey weerarkan.

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatey mas’uuliyadda weerarkan.
Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud ayaa cambaareeyey weerarkaasi is miidaamiinta ah ee dadka rayidka ay ku le’deen.

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in wax lala yaabo ay tahay in kooxaha cadowga ku ah nabadda oo horey u sheegan jirey inay ka soo horjeedaan dowladda iyo ciidamada shisheeye, ay maanta beegsadaan dad rayid ah oo makhaayad ku shaaheynayey.

Waxaa isna weerarkaasi cambaareeyey Ergaygga-Gaarka ah ee Xoghaya- Guud ee Qaramadda Midoobay, Nicholas Kay.
XS
SM
MD
LG