Isku xirrada

Soomaali ku Dhaawacantay Qarax ka Dhacay Qaahira


Qarax lala eegtay wasiirka arrimaha gudaha ee Masar oo ay hablo Soomaaliyeed ku dhaawacmeen

Qarax lala eegtay wasiirka arrimaha gudaha ee Masar oo ay hablo Soomaaliyeed ku dhaawacmeen

Laba hablood oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay qarax maanta magaalada Qaahira lagula eegtay wasiirka arrimaha gudaha ee Masar.

Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyay VOAda in mid ka mid ah gabdhahaasi lugta laga jaray.

Sida ay sheegeen Goobjoogayashu mid ka mid ah gabdhaha dhaawacu soo gaaray ayaa ka timid dalka Britain, halka ay gabadha kale ay deggnayd dalka Masar oo ay magan-galiyo ka haysato hay’adda UNHCR.

Qaraxan ayaa saaka ka dhacay meel u dhow guriga uu degganyahay wasiirka arrimaha gudaha ee Masar Janaraal Maxamed Ibraahiim oo ku yaalla Xaafad ay Soomaali badan ay deggantahay oo lagu magacaabo Madiinat Nasr.

Qaraxa ayaa subaxnimadii hore lala eegtay kolanyada baabuurta ee wasiirka u sii wadday xafiiskiisa.

Faahfahinta warkan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG