Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Amriki: Al-qacida iyo al-Shabab Waan ka Baxay


Nin u dhashey Mareykanka oo ka tirsanaa kooxda Al Shabab ee Somalia, ayaa sheegey in inaanu haatan iyo wixii ka dambeeya aanu ka mid ahayn ururkaasi iyo Al Qaacida toona, walow uu shakhsiyan isu haysto inuu weli yahay nin argagixiso ah.
Wareysi gaar ah oo uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA, Omar Hammami waxaa uu sheegey inuu xiriirka u jarey hoggaamiyaha Al Shabab, Mukhtar Abu Zubeyr, oo uu sheegey inuu naftiisa kala baqayo oo uu doonayo inuu dilo.

Wareysi dhanka telefonka, oo maanta oo Talaado ah lala yeeshey, Hammami waxaa uu sheegey inuu haatan ku dhuumaleysanayo keymo ku yaala gobollada Bay iyo Bakool. Waxaa uu sheegey in dagaalyahanada Al Shabab ay qabteen labadiisa xaas, wax yar kadib markii maliishiyadaasi ay dileen ruux hoy siiyey xaasaskiisa.

Hammami, oo ka soo jeeda gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, ayaa Somalia tegey sannadkii 2006, isagoo ugu dambeyntiina ku biirey kooxda Al Shabab.
Dowladda Mareykanka ayaa raadineysa ninkani, iyadoo loo haysto dacwado ay ka mid yihiin inuu taageero urur argagixiso oo shisheeye.

Mareykanka waxaa uu ku yaboohay 5 million oo dollar qofkii soo sheega war ama xog horseedaya in lagu soo qabto Hammami.

Wareysiga Xamaami iyo warbixinoo la xiriira waxaad ku dhageysan doontaan idaacadaheena soo socda ee maalinta Arbacada ee ha moogaanina.
XS
SM
MD
LG