Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Lala Eegtay Kolonyada Madaxweynaha


Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in Qarax lala beegsaday kolonyo ay la socdeen Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Madaxweyne Somalia Xassan Sheikh Maxamud oo maanta booqasho ku tagay magaalada Marka ee xarunta Gobolka

Kooxda al-Shabab ayaa war ay soo dhigtay bar internetka oo ay xiriir leeyihiin ku sheegatay masuuliyadda weerarka.

Wararka ayaa sheegay in qarax uu dhacay markii miino jidka dhiniciisa la geliyay ay qaraxday xilli Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay ku sii jeedeen magaalada Marka, oo 110 km koonfur ka xigta magaalada Muqdisho.

Qof la socday Kolonyada madaxweynaha ayaa VOAda u sheegay in ciidamada dowladda ay rasaas rideen markii uu qaraxa dhacay ka dib.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in hal askari uu ku dhaawacmay safarka , laakiin lama oga inuu qaraxa dartii u dhaawacmay iyo in kale.

Afhayeenka Madaxtooyada, ahna la taliyaha Madaxweyna Eng: Cabdiraxman Cumar Cusman, Yarisow, oo VOAda la hadlay ayaa beeniyay Qaraxaasi , wuxuuna sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay si nabdoon ku tageen Markam, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Afyaheenku wuxuu sheegay in Safarka Madaxweynaha ujeedadiisu ay tahay, sidii uu bulshada gobolka ula hadli lahaa, uguna sharici lahaa qorshaha dowladda ee mustaqbalka Somalia.
XS
SM
MD
LG