Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo McCain kala Hadlaya Arrinta Syria


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sii wada dadaalkiisa uu taageerada kaga raadinayo congresska Maraykanka si uu talaabo militari uga qaado dawladda Suuriya. Sharci dejiyeyaasha qaarkood ayaa shaki ka muujiyey qorshihiisa. Dalka Ruushka ayaa isna su’aal ka keenay caddeymaha go’aankan ka dambeeya.

Mr. Obama ayaa Isniinta maanta Aqalka Cad ku marti galinaya Senator John McCain oo isagu in muddo ahba Obama ku boorrinayey inuu Suuriya talaabo ka qaado. McCain ayaa Axaddii shalay sheegay in Maraykanku uu qaado weeraro aan xaddidneyn oo dhanca cirka ah, kuwaas oo xitaa keeni kara in madaxweynaha Suuriya xilka laga tuuro.

Qaar ka mid ah xubnaha congresska ayaa aragti taas ka duwan qaba, iyaga oo isweydiinaya in loo baahan yahay in militarigu uu arrinta ku lug yeesho.

Saraakiilka maamulka ayaa Axaddii sharci dejiyeyaasha u soo bandhigay caddeymo muujinaya in militariga Suuriya uu bishii hore gaas sumeysan ku duqeeyey dad shicib ah oo ku nool duleedka magaalada Dimishiq, halkaas oo ay ku dhinteen tiro ka badan kun qof.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Isniinta maanta ah sheegay in caddeymaha uu soo bandhigay Maraykanku aanay ahayn kuwa lagu qanci karo. Waxa uu sheegay inay maqnaayeen tusmooyinkii juqraafi iyo waliba magacyada ku lugta leh weerarka kiimikaad.
XS
SM
MD
LG