Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalo Culus oo Xalay ka Dhacay Gobolka Bay


Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo xalay ka dhacay deegaanka Koronbood oo qiyaastii 10 km dhinac koonfur ka xiga degmada Qansax Dheere ee gobolka Bay.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada dowladda Somalia iyo kuwo Ethiopia oo wada jira ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka ururka Al-shabab oo halkaa gacanta ku haya.

Dadka deegaanka ayaa VOAda u sheegay in dagaalka oo socday muddo ka badan sadex saacadood aysan u suurta galin ciidamadii duulanka ku qaaday deegaankaas inay la wareegaan.

Waxaa kaloo ay sheegeen in shan ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen rayid. Waxaa kaloo ay sheegeen in dhowr iyo toban guri iyo goobo ganacsina uu dab qabsaday kuna gubteen intii uu dagaalka socday.

Goob joogayaal ay VOAdu la hadashay ayaa sheegay in weli Deegaanka Koronbood ay gacanta ku heyso kooxda Al-shabab xaaladuna ay degentahay saakay.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya degmada diin soor ee isla gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay laba koox oo ka wada tirsan Al-shabab ay ku dagaalmeen magaalada, dagaalkaas oo uu ku dhintay horjooge kooxda ka tirsan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sheekh Xuseen.
XS
SM
MD
LG