Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbax ka Dhacay Magaalada Baydhabo


Dibad-baxyo looga soo horjeedo heshiiskii dhowaan magaalada Addis Ababa ku dhex marey Dowladda Federalka Somalia iyo maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

Bannaan-baxan ayaa waxaa soo abaabulay waxgaradka iyo aqoonyahanno ka tirsan deegaanka, iyadoo ay ka qaybgalayaan dadweyne fara badan oo isugu jira rag dumar iyo carruur.

Heshiiska ay gaareen dowladda iyo maamulka maamulka Axmed Madoobe ayaa dhigayey in la sameeyo maamul KMG oo la magac baxay Jubba, kaas oo uu hoggaamin doono isla Axmed Madobe, ayna hoos imaan doonaan gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Magaalada Baydhabo waxaa warbixintan ka soo direy weriyaha VOA Mukhtaar Maxamed Catoosh.
XS
SM
MD
LG