Isku xirrada

Amnesty:Kufisga Haweenka Somalia ha la Xakameeyo


Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in dagaalka Soomaaliya uu sababay inay faraha ka baxdo tirada kufisga ee loo gaysto haweenka.

Hay’adda ayaa sheegtay in Kufisgu uu noqday halis joogta ah, gaar ahaan haweenka barakacayaasha ah.

Donatella Rovera oo ah la taliye sare oo la shaqaysa hay’adda ayaa sheegtay in baadhayaasha hay’addu ay waraysteen haween badan oo la kufsaday oo ay ka mid tahay gabadh yar oo 13 jir ah.

Qaramada midoobay ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii 2012kii la kufsaday ugu yaraan 1700 oo haween ah, kuwaasi oo u badnaa barakacayaal, waxaana ay warbixintu sheegtay in ugu yaraan 70% falalka kufsiga ay gaysteen dad xiran dirayska ciidamada dawladda.

Dambiilayaasha way yartahay in cadaaladda la hor keeno, gabadhaha la kufsado waxay la kulmaan hayb sooc ay bulshadu ku samayso.

Arrintan ayaa niyad jab ku ridda haweenka la kufsaday iyaga oo ka baqaya in la hayb sooco isla markaana aan waxba laga qaban dadkii ku xadgudbay.

Donatella ayaa sheegtay in booliska aanu awood lahayn isla markaana aanay jirin rabitaan siyaasadeed oo wax looga qabanayo arrintan.
XS
SM
MD
LG