Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gole Amni Qaran oo Muqdisho Looga Dhawaaqay


Madaxweyne Xasan oo fadhiya goobta uu shirka jaraaid ku qabanayay ee Hotel Jazeera
Madaxweyne Xasan oo fadhiya goobta uu shirka jaraaid ku qabanayay ee Hotel Jazeera
Dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqday maanta gole cusub oo qaran oo dhinaca Amaanka ah oo ay ku jiraan masuuliyiinta ugu sar sareeysa hay'adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Madaxamuud, wariisrada difaaca, Garsoorka, Arimaha Dibadda iyo taliyeyaasha ciidmada ayaa ka mid ah Golahan Cusub ee uu Madaxweynaha ku dhawaaqay.

Golahan Amniga Qaranka Somalia ayaa yeelan doonaa go'aamada kama dambeysta ah ee dhinaca amaanka ee Somalia.

Dhinaca kale dowladda ayaa ku dhawaaqday in la qaban doono shir weyn oo looga hadli doono xag jirnimada dhinaca diinta ah ee Somalia, iyo argagixisada.

Wareysi Harun Macruuf uu kala yeeshay Arinta la taliyaha iyo afhayeenka Madaxweynaha Somalia Eng: Candiraxman Cumar Cusman Yarisow, halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:43 0:00
XS
SM
MD
LG