Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuseen Garabyare oo Minnesota ku Geeriyooday


Xuseen Garabyare
Xuseen Garabyare
Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka shalay ku geeriyooday Xuseen Samatar (Garabyare) oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Xuseen oo intii uu noolaa qabtay hawlo kala duwan oo la xiriira horumarinta bulshada Afrikaanka ah ee gobolka, ayaa sidoo kale noqday qofkii Soomaali ah ee ugu horeeyey ee gobolka ama Maraykanka oo dhan inta lo ogyahay xil siyaasadeed loo doorto.
Xuseen ayaa u geeriyooday cudurka cancerka ee dhiigga ku dhaca.

Haddaba taariikh-nololeedkii Xuseen Samatar iyo waxqabadkiisii bulshada, waxa warbixintan inooga diyaariyey Maxamed Cabdi Sandhere.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:49 0:00
XS
SM
MD
LG