Isku xirrada

R. Bales oo Xabsi daa'im lagu Xukumay


Robert Bales oo ah askari ka tirsan ciidanka Maraykanka oo sanadkii hore dilay 16 qof oo reer Afghanistan ah ayaa lagu xukumay xabsi daam’im aan la dabcin karin.
Xeer-beegti lix qof ka kooban oo ku shiray saldhig military oo ku yaalla gobolka Washington ayaa go’aankooda ku dhawaaqay.
Mr. Bales oo 40 jir ah ayaa ku jiray wareegii afraad ee uu kaga qeyb galayey dagaalada Maraykanku uu meelo kala duwan ka wado. Askariga ayaa bishii March ee sanadkii 2012kii, xilli saq dhexe ah, weerar ku qaaday oo dilay dadka shicib ah oo reer Afghanistan.
Falkan oo loogu yeero xasuuqii Qandahaar ayaa Bales uu waddada u soo baxay, isla markaan labo xaafadood oo magaalada Qandahaar ku yaalla uu xabad oodda kaga qaaday dad shicib ah. Dhibanayaasha badankooda ayaa caruur iyo dumar iskugu jiray, iyada 11 ka mid ahina ay hal qoys kasoo jeedeen.
Bales ayaa bishii June qirtay dambigan, si uu uga fogaado in dil lagu xukumo.
XS
SM
MD
LG