Isku xirrada

Maraykanka oo ka Walaacsan Xaaladda Syria


Free Syrian Army fighters take their positions as they try to locate snipers loyal to Syria's President Bashar al-Assad in Bab al-Nasr district in the old city of Aleppo, August 20, 2013.

Free Syrian Army fighters take their positions as they try to locate snipers loyal to Syria's President Bashar al-Assad in Bab al-Nasr district in the old city of Aleppo, August 20, 2013.

Maamulka madaxweyne Obama ayaa ka codsanaya qaramada midoobay inay dambi baadhis dheeraad ah ku samayso wararka sheegaya in dawladda Syria ay dad rayid ah u adeegsatay hub kiimko ah.

Mucaaradka Syria ayaa ku eedaynaya maamulka Bashaar al Asad in uu gaas kiimika ah u adeegsday dad rayid ah taasi oo ay ku dhinteen ku dhwaad boqol qof.
Hase ahaatee dawladda Syria ayaa beeninaysa warkaasi.

Afhyeenka aqalka cad Josh Earnest ayaa tilmaamay in looga baahanyahay dawladda Syria inay u u ogolaato dambi baadhayaasha ka socda qaramada midoobay inay soo arkaan xaqiiqada dhabta ah.

Madaxweyne Obama ayaa hore u sheegay in uu qorshaynayo in hub uu ku taageero mucaaradka madaxweyne Bashaar al Asad, laakin congresska ayaa walaac ka qaba in hubkaasi gancanta u galo kooxo mayal adag taasi oo dib u dhac ku keentay arrintaasi.
XS
SM
MD
LG