Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad Baxyo Xalay Mar Kale ka Dhacay Dalka Masar


Weli waxaa sii socda mushkiladaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Masar.
Ciidamada Amaanka ee dalka Masar ayaa sheegay inay nadiifiyeen oo ay kala eryeen dibad baxayaal ku go’doonsanaa Masaajidka Al-fataxoo ku yaala magaalada Qaahira, halkaa oo ay muddo isaga soo horjeedeen dadka mudaaharaadayay oo ahaa taageerayaasha Madaxweyne Mursi iyo Ciidamada.

Dhinaca kale, kumanaan taageerayaasha Madaxweyne Mursi ah ayaa xalay socod ku soo maray jidadka magaalada Qaahira, Alexandria iyo magaalooyin kale oo ku yaala Masar, si ey ugu gacan seyraan bandow xilliga habeenkii ah oo ay soo rogeen ciidamada.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay, kumanaanna wey ku dhaawacmeen, rabshado ilaa iyo arbacadii ka socday dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa ku hanjabtay inay dalkaasi ka mamnuuceyso Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Warbixin ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee Masar halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:58 0:00
XS
SM
MD
LG