Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Lagu La'yahay Shil ka Dhacay Philippines


Kooxaha biyaha dabaasha ku quusa ayaa baadi doon ugu jira in ka badan 200 oo qof oo lagu la’yahay bartamaha dalka Philippines, ka dib markii dooni weyn oo nooca rakaabka qaada iyo markab weyn ay isku dhaceen habeenkii Jimcaha, kuwaa oo durbadiiba quusay xeebaha gobolka Cebu.

Ugu yaraan 28 qof ayaa inta la ogyahay ku dhintay, iyadoo tira aan weli la cayiminnna la aaminsanyahay inay ku go’doonsanyihiin doonidaasi dhexdeeda, tasoo biyaha hoostooda u quustay ilaa iyo 30 meter.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha ee Phiulipines, Armand Balilo, ayaa sheegay in ciidamada oo ay wehliyaan rag kaluumeysato ah oo wata doomo yar yar ay si wada jir ah biyaha hoostooda uga soo saareen in ka badan 600 oo qof iyagoo nool xilli gudcur ah.
XS
SM
MD
LG