Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Michael Shank iyo Safarkiisii Muqdisho


Michael Shank
Michael Shank
Go’aankii ay dhowaan hay’adda MSF ku goosatay inay joojiso hawlgalladeeda Soomaaliya ayaa dharbaaxo weyn ku noqday dadaaladii dawladda Soomalaiya iyo beesha caalamka ku doonayeen in lagu beddelo sawirka laga haysto Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay ka codsatay MSF inay go’aankaasi ka noqoto, hase yeeshee MSF taasi weli dhag jalaq uma siinin. Waxaana go’aankaasi yimid iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinaysio shirka caalamiga ah ee dib u dhiska Soomaaliya ee ay martigelinayaan Midowga Yurub bisha dambe.

Lakaiin Khabiir Maraykan ah oo toddobaadkan uun ka soo labatay Muqdisho ayaa ku doodaya in waddamada reer galbeedku ay wax ka beddelaan dhaqaalaha ay ku samaynayso Soomaaliya.

Michael Shank waa Agaaismaha Xafiiska Siyaasadda Arrimaha Dibedda Xarunta Friends Committee oo ah Xarun u ololaysa nabadda iyo sinnaanta ijtimaaciga oo fadhigeedu yahay magaaladan Washington DC. Waxa uu ku doodayaa in reer galbeedku ay diiradda saareen miltariga iyo ajandayaasha dhinaca amniga ee Soomaaliya halkii bulshada laga taageeri lahaa kaabayaasha dhaqaalaha.

Michael Shank Waxa uu sheegay in reer galbeedku aysan dadka gacan ka siinayn helitaanka shaqooyinka, tababarro iyo dib u dhiska tasiilaadka. Waxa uu sheegay in taas beddelkeeda lacagtii lagu qubay AMISOM. Wareysi dheer ee uu Michael Shank siiyey VOA halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00
XS
SM
MD
LG