Isku xirrada

Qarax ka Dhacay Suuqa Bakaaraha


Suuqa Bakaaraha. (P. Heinlein/VOA)

Suuqa Bakaaraha. (P. Heinlein/VOA)

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay qarax maanta barqadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu soo waramayaa inuu ku jiro Gacansade lagu magacaabo Xuseen Goley, iyo laba qof oo kale oo rayid ahaa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxan oo ka dhacay nawaaxiga wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyada oo wararka qaar ay sheegayan in qaraxa lagu soo xidhay gaadhiga ganacsadaha oo dhaawiciisa loola caray cisbitaalka Madiinaa laguna baxnaaninayo

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta, iyagoo oo xiray waddooyinka u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay qaraxa, la mana oga sababta ka dambeysay in la bar-tilmaameedsado ganacsadaha.

Ganacsade Xuseen Goley ayaa ka mid ah Ganacsatada ugu caansan Muqdisho, waxaa uu ahaa milkiilihii shirkadii xawaalada ee Global Money Transfer oo sannadkii 2007-dii la midowday Shirkadii Xawaalada ee Qaran oo labo sano ka hor bur bur ku dhacay.
XS
SM
MD
LG