Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Tirada Dhimashada oo Kor usii Kacday


DKMG ee Masar ayaa soo rogtey xaalad degdeg ah oo soconeyssa muddo bil ah , saacado kadib markii ciidamada militariga ay xoog ku galeen goobaha ay magaalada Qaahira ku banaanbaxayeen taageerayaasha madaxweynihii talada laga qaadey Mohamed Mursi.

Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan tirada dhimashada.

Wasaaradda caafimaadka waxay sheegtey in ilaa iyo 150 qof ay dhinteen. Hase yeeshee Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee uu ka tirsan yahay Mohamed Mursi ayaa sheegaya in dadka dhintey ay tiradooda ka badan tahay 300 boqol, ayna ku jiraan carruur iyo haween.

Hawlgalkan ay sameynayaan ciidamada Masar waxaa uu daba joogaa digniin ay horey u soo saartey dowladda KMG ee Masar oo ahayd inay xoog isticmaali kukala diri doonaan kumanaanka qof ee banaanbaxyada wata, kuwaas oo taageersan Mohamed Mursi.

War goor dhow ay baahiyeen warbaahinta dalka Masar ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku Xigeenkii xukuumadda KMG ee Masar Mohamed Al Baraadici uu goor dhow is casiley.

Al Baraadici ayaa sheegey inuu xilka uga degey isagoo ka xun sida milateriga ay ula tacaaleen dadka banaanbaxyada ka dhigayey magaalada Qaahira oo dad badani ay ku dhinteen.

Mid ka mid ah ururada dhalinyarada dalka Masar oo qeyb ka qaatey kacdoonkii lagu ridey madaxweynihii hore ee Masar Husni Mubarak ayaa talaabada uu qaadey Al Baraadici ku tilmaamey inay timid xilli aaney waxba soo kordhineyn, isla markaana uu ka cararayo mas’uuliyadda dilka shacabka loo geystey.
XS
SM
MD
LG