Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarrifka Doolarka Iyo Dhaqaalaha Soomaaliya


Isbedelka sicirka lagu sarifo doolarka iyo jiritaanka lacag shilin soomaali ah oo been abuur ah ayaa dhibaato baahsan ku haysa dhaqaalaha Soomaaliya.

Sare u kaca maciishadda iyo isbedelka sarfika doolarka ayaa si gaar ah u taabanaya dadka danyarta ah ee ku tiirsan biilasha ay ka helaan qaraabadooda, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka oo aan lahayn dakhli joogta ah oo ay ku salayn karaan nolol maalmeedkooda.

Waxa kale oo dhibaatada sii kordhinaya iyada oo ay jirto lacagta shilin soomaaliga ah oo been abuur ah taasi oo soo badanaysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaliya.

Warbixin gaar ah oo arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:43 0:00
XS
SM
MD
LG