Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Masar oo u Digtay Taageerayaasha Mursi


Dowladda KMG ee Masar ayaa isku diyaarineysa inay xoog ku kala dirto kumanaan ka tirsan taageerayaasha madaxweynaha talada laga qaadey, Maxamed Mursi, oo mudaaharaadyo ka wada goobo ku yaala magaalada Qaahira.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegey in aaney dowladdu oggolaan karin in dadkaasi banaanbaxyada dhigaya ay sii joogaan goobaha ay fariisimaha ka dhigteen tan iyo bishii la soo dhaafey.

Dhanka kale madaxda diinta ee Jaamacadda Azhar ayaa soo jeediyey qorshe ay doonayaan inay xal ugu helaan mashaakilka siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Madaxa Al Azhar Sheikh Ahmed al-Tayyib ayaa sheegey inuu qeybaha siyaasadda isku haya u qaban doono shirweyne qaran oo dib u heshiisiin ah.

Warbixin arrintaasi ku saabsan oo uu magaalada Qaahira ka soo diray wariyaha VOAda Xuseen Cismaan Saxnuuni, ka dhegayso halka hoose.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00
XS
SM
MD
LG