Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu Dambeeyay Safaaradaha Mareykanka


Dowladda Mareykanka ayaa maanta oo Axad ah dib u fureysa 18 ka mid ah 19 safaaradoo iyo Qunsuliyado ay xirtay Axadii hore sababo dhinaca amaanka ah.

Mareykanka ayaa xiray goobahan ka dib markii ay soo baxeen digniino caalami ah oo ku aadan in laga yaabo in Alqacida ay weeraro geysato, waxaana digniintu ay ka dambeeysay markii sir doonka mareykanka ay dhageysteen wada hadal dhex marayay

Madaxa Alqacida, Ayman al-Zawahri oo ku suggan Pakistan, oo amrayay madaxa Alqacida ee Gacanka Carabta inuu fuliyo weerar aysan labada hogaamiye midna cara baabin halka uu ka dhacayo.

Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Dalka Yemen ee Sanca, ayaa iyadu sii xirnaan doonta.

wareysi ku saabsan arintaasi halka hoose ka dhageyso.


please wait

No media source currently available

0:00 0:04:11 0:00
XS
SM
MD
LG