Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiiro ka Socda Ruushka oo Washington Jooga


Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa furay Jimcihii shalay kulan ay magaalada Washington ku leeyihiin wasiirka Arimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo wasiirada difaaca ee Mareykanka iyo Ruushka, waxuuna sheegay in wada hadaladu ay muhim yihiin xilli labada dhinac uu ay ka dhex jiraan khilaafaadyo.

Isagoo ka hadlayay xarunta wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayuu Mr Kerry sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Ruushka ay ku asteysanyihiin dano ay labada dhinac wadaageen waqtiyo kala duwan, isla markaana ay jiraan dano iska hor imaanaya oo isku dhacaya, hase yeeshee arintu aysan aheyn un kiiska Edward Snowden, ninkii dusiyay sirta Mareykanka ee ay ruushka Megangalyada ku meel gaar ah siiyeen.

Kerry waxa uu sheegay in saraakiisha Ruushka ay daacad ka yihiin arimo badan oo ay isku qilaafasanyihiin, laakiin waxa uu ku nuux nuuxsaday in labada wadan ay muhim u tahay inay horu mar ka sameeyaan arimaha ku aadan hanaanka gantaalaha difaaca iyo arimo kale oo ay ku jiraan arinta Afghanistan, Iran, North Korea iyo Syria.
XS
SM
MD
LG