Isku xirrada

Mareykanka oo Dib u Furaya 18 Safaaradood


War ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in 18 ka mid ah 19 safaarado iyo qunsuliyado Mareykanka uu ku leeyahay bariga dhexe iyo Africa, kuwaas oo albabada loo laabay sababo dhinaca amaanka ah, dib loo furayo maalinta Axadda ah ee soo socota.

Safaaradda Mareykanka ee caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa iyadu sii xiraan doonta.

19 dhismo oo isugu jira qunsuliyado iyo safaarado ayaa xiraa ilaa iyo axadii la soo dhaafay.

Sir doonka Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay dhageystay wada hadal dhex marayay Madaxa Alqacida Ayman al-Zawahri, oo ku suggan meel ka mid ah Pakistan oo amar ku siinaya Madaxa Al-qacidada gacanka carabta ee Yemen inuu fuliyo weerar.

Laakiin hogaamiyeyaashaasi Al-qacida ma aysan cayimin si sax ah goorta iyo halka uu weerarkaasi ka dhici lahaa.
XS
SM
MD
LG