Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gegida Dayuuradaha Jomo Kenyatta oo Gubatay


Dab aad u weyn oo saaka ka kacay gegida dayuuradaha ee magaalada Nairobi ee Kenya ayaa hadda la xakameeyey, hase yeeshee saraakiisha ayaa sheegay in gegidu ay sii xirnaan doonto illaa iyo xilli aan la shaacin. Illaa iyo hadda lama garnayo waxa dabka dhaliyey.

Gegida ayaa gubanaysay muddo afar saacadood ah, iyada oo qiiq madoobi uu cirka isku shareeray, duullimaadyadii iman jirayna meelo kale loo wareejiyey.

Ilaa iyo hadda wax dhaawac ah lama soo warin.

Gegidani waa ta ugu mashquulka badan Bariga Afrika, waxayna xarun u tahay shirkadda Kenya Airways.
XS
SM
MD
LG