Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Afar ku Dhimatay Duqeyn Cirka ah


Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa amar ku bixisay daadgureeynta shaqaalaha aan lagama maarmaanka ahayn ee ka shaqeeya safaaradda Maraykanka ee magaalada Sanca, cabsi dhinaca argagixisada ah darteed. Talaabadan ayaa lagu saleeyey war la dhageystay oo xubnaha ururka AlQacida ay ku wada hadlayeen, kaas oo keenay in la xiro dhowr darsan oo ah safaaradaha iyo qunsuliyadaha uu Maraykanku ku leeyahay dalalka qaarkood.

Hadal wasaaradda kasoo baxay Talaadadii ayaa sidoo kale lagu booriyey muwaadiniinta Maraykanka ahi inay Yemen ka baxaan, cabsi laga qabo weeraro argagixsio darteed.

Dalka Britian ayaa isna si KMG ah ula baxay shaqaalihii safaaradda magaalada Sanca isla sababo dhinaca amniga ah dartood.

Dhinaca kalena, saraakiisha dhinaca ammaanka ee dalka Yemen ayaa sheegay in dayuuradaha aan duuliyaha lahayd ee Maraykanku ay duqeyn ku dileen afar qof oo lala xiriiriyey ururka AlQaacida. Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Ma’rib.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:00 0:00
XS
SM
MD
LG