Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaaradihii Maraykanka oo Qaar dib loo Furay


Dalka Maraykanka ayaa Isniinta maanta ah dib u furaya safaaradihii iyo qunsuliyadihii uu ku lahaa Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, iyada oo 19 ka mid ah hay’adahaas diblomaasi ay xirnaayeen cabsi dhinaca ammaanka ah darteed.

Safaaradaha ku yaalla magaalooyinka Baghdad, Kabul, Algiers iyo Dhaka ayaa ka mid ah kuwa Maraykanku uu go’aansaday in maanta dib loo furo

Saraakiisha Maraykanka ayaa go’aan ku gaaray xiritaanka hay’adahan diblomaasi, toddobaadkii horean soo saaray digniin guud, taasoo dadka socdaalaya ee Maraykanka ah ay uga digeen weeraro dhinaca argagixisada ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Axaddii shalay sheegtay in 19 kale ay sii xirnaan doonaan illaa Sabtida, iyada oo wasaaraddu ay sheegtay in aanay khatar cusubi jirin, laakiin feejignaan dheeri ah la sameynayo.

Safaaradaha sii xirnaanayana waxa ka mid ah kuwa yaalla magaalooyinka Cammaan, Qaahira, Sanca, iyo Tripoli.
XS
SM
MD
LG