Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safaarado Cabsi Darteed Maanta loo Xiray


Dalka Maraykanka ayaa Axadda maanta ah xiraya tiro ka badan 20 safaarado iyo qunsuliyado uu ku leeyahay meelo kala duwan oo dunida ah, waxana uu soo saaray digniin guud oo ku aaddan muwaadiniinta Maraykanka ah ee socdaalaya, iyada oo laga digay weerar ka yimaadda ururka argagixisada ah ee AlQaacida.

Dalal kale dalal kale ayaa qaaday talaabooyin kuwaas la mid ah, iyada oo Hay’adda Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL-na ay soo saartay digniin dhinaceeda ah.

Digniinta Maraykanka oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa lagu sheegay in laga yaabo in weeraro argagixiso ay ka dhacaan Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika. Waxay digniintu sheegtay in ururka AlQaacida iyo ururada la jaalka ah, laga yaabo, inay weeraro qaadaan inta u dhaxaysa maalmahan ilaa iyo dhamaadka bisha August. Digniinta ayaa intaas ku dartay in laga yaabo n weerarku uu ka yimaaddo Jasiiradda Carabta.

Sabtidii shalay, Aqalka Cad ee Maraykanka waxa ka dhacay kulan ay saraakiil sarsare ka qeyb gashay, kaas oo lagaga hadlay khatarta argagixisada. Kulanka oo ay shir guddoominaysay Susan Rice oo ah la taliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca Amniga Qaranka, ayaa waxa kala qeyb galay Xoghayaha Arrimaha Dibadda John Kerry, ka Gaashaandhigga Chuck Hagel, Janet Napolitano oo ah Xoghayaha Amiga Gudaha, iyo waliba madaxda CIA-da, Xafiiska Dambi-baarista, iyo Hay’adda Amniga Qaranka.

Dhinaca kale, Hay’adda Interpol ayaa sheegtay in digniinteedu ay ka imanayso, xabsiyo dhawaan la jabiyey oo maxaabiis badani ka baxsatay, kuwaas oo ka dhacay dalalka Ciraaq, Libya, Pakistan, iyo lix dal oo kale. Interpol ayaa sheegtay in ururka AlQaacida lagaga shakiyey inuu ka dambeeyey xabsiyada dhowr dal oo la jabiyey, talaabadaas oo keentay baxsadka boqolaal dambiilayaal iyo argagixiso isku jira.

Dalalka Britain iyo Germany ayaa shaaciyey inay Axadda maanta iyo Isniinta berrito ah xirayaan safaaradihii ay ku leeyihiin dalka Yemen, cabsida daran ee dhinaca ammaanka ah darteed.

Dalka Maraykankana, waxa maanta xiran safaaradaha iyo qunsuliyadaha dalalka Muslinka ah badankooda, sida Ciraaq, Libya, iyo Yemen. Saraakiisha ayaa sheegay in xirnaanta la sii dheerayn karo, marka qiimeyn la sameeyo ka dib.
XS
SM
MD
LG