Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mugabe oo mar kale Xafiiska loo Doortay


Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay dooashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Arbacadii.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Mugabe uu helay 61% codadkii la dhiibtay, halka ra'iisul-wasaare Morgan Tsvangirai oo la tartamayay uu helay 34%. Mugabe ayaa muddo 5 sanno oo kale hayn doona xilka, waana markii 7aad ee xilka madaxtinimada loo doortay.

Mugabe oo ah 88 jir ayaa madaxweyne ka ahaa Zimbabwe tan markii uu dalkaasi xornimada qaatay muddo haatan laga joogo 33 sannadood.

Xisbiga Mugabe ee ZANU-PF ayaa isaguna ku guuleystay saddex dalool laba dalool aqlabiyadda baarlamaanka, taasoo u sahli doontay inay isbeddel ku sameeyaan dastuurka.

Tsvangirai iyo xisbigiisa MDC ayaa qaadacay doorashada Mugabe, waxayna sheegeen in doorashadii madaxtinimada iyo baarlamaankaba lagu shubtay,. Tsvangirai wuxuuna wacad ku maray in natiijada uusan ogolaan doonin maxkamadna uu la kori doono.

Tsvangiria ayaa shir jaraaid ka sheegay in xisbigiisu uusan ka qeybgali doonin xukuumadda cusub.


Diidmada xisbiga MDC uu diiday natiijada doorashada ayaa kor u qaaday cabsi ah inay dib uu so noqdaan rabshadihii dhiiga badan ku daatay ee dhacay doorashadii muranka dhalisay ee sannadkii 2008.

Beesha caalamka ayaa iyaduna walaac ka muujisay natiijada codbixinta Zimbabwe.
XS
SM
MD
LG