Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda iyo Heshiiska Ilaalada Badda Somalia


Barnaamijka faaqidaadda ee todobaadkan waxa uu ku saabsanyahay heshiiska ay Dawladda Soomaaliya la gashay shirkad laga leeyahay dalka Holland oo ilaalinaysa xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad ilaalisa xeebaha oo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group, taasoo fadhigeedu yahay dalka Holland.

Heshiiska labada dhinac aaya dhigaya in shirkaddan in ay ilaaliso xeebaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeybqaadato dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ciidamada ilaalada badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in heshiiskan oo soconaya muddo shan sano ah uu dalka u horseedayo xasilooni iyo dib u soo kabashada ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa.

Heshiiskaan waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixey Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Abdihakim Haji Mohamud Fiqi.

Hadaba Barnaamijka faaqidaadda ee todobaadkan waxaa ka qaybgalaya

Wasiirka Khayraadka ee dawladda Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed.

Cabdi Diirshe oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku sugan Toronto, Canada.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare ka ah jaamacadda University of Minnesota ee dalka Marayaknka.

Barnaamijka oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:34:48 0:00
XS
SM
MD
LG