Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Snowden oo Russia Megangelyo ka Helay


Ninka Baxsadka ah ee dusiyay sirtii Mareykanka Edward Snowden ayaa ku guuleystay isku day uu ku doonayay in megan galyo ku meel gaar ah uu ka helo Ruushka, isla markaana waxa uu ka tagay goobta Tranistka ee uu kaga sugnaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Moscow si uu si rasmi ah dalkaasi ugu galo.

Qareenka Snowden, Anatoly Kucherena, ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in Masuuliyiinta Ruushka ay siiyeen Snowden oo 30 sna jir ah, isla markaana horay ula soo shaqeeyay hay’adda sirdoonka Mareykanka, megangalyo muddo hal sana ah.

Qareenku waxuu intaasi ku daray in Snowden uu tagayo goob qarsoodi ah oo amaan ah.

Snowden ayaa ku sugnaa qeybta Transitka ee Garoonka Sheremetyevo in ka badan bil, isagoo, waxaana u suuragali weysay inuu ka baxo Moscow, ka dib markii Mareykanka uu kala noqday Jinsiyadda iyo baasaboorkiisa.

Mareykanka ayaa u doondoonaya eedo la xiriira inuu ku kacay basaasnimo ka dhan ah Mareykanka.

Ka tagista Snowden ee Garoonka Mosco ayaa laga yaabaa inuu sare u qaado xiisaddaha ka dhex oognaa xukumadaha Moscow iyo Washington.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa weydiistay Russian President Vladimir Putin inuu ka eryo Snowden dalkiisa , laakiin hogaamiyaha Rusia ayaa diiday dalabkaasi, taas oo Mareykanka ka careysiisay.
XS
SM
MD
LG