Isku xirrada

Laba Sarkaal oo Kenyan ah oo la Sii Daayey


Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la sii daayay laba sarkaal oo ururka al-Shabaab uu bilowgii sannadkii hore ka soo qafaashay degmada Wajeer oo u dhow xadka labada dal.

Labadan sarkaal waxaa lagu kala magacaabaa Edward Yesse Mule iyo Fredrick Irungu Wainaina, Ma cadda qaabka loo sii daayay iyo in la bixiyay madax furasho iyo inkale.

Hasse yeeshee, sida ay qorayaan warbaahinta Kenya, labadan sarkaal ayaa lagu sii daayay wadahadallo lagu guuleystay.

Weriyaha VOA ee Nairobi, Yaasiin Ciise Wardheere ayaa Sahra Cabdi Axmed uga waramay wararka la xiriira sii deynta labada sarkaal ee u dhashay Kenya.

XS
SM
MD
LG