Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isreal iyo Falastin oo Kuwada Hadlaya Washington


Wada xaajoodayaal ka socda Israeli iyo Palestinian ayaa wada fariistay xalay markii ugu horeysay muddo sadex sanadood ah, ka dib markii uu casho ugu sameeyay magaaladan Washington xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry.
Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo cashadii xalay ku martigeliyay wada xaajoodayaasha labada dhinac ayaa ku booriyay inay la yimaadaan tanaasul macquul ah inta ay wada hadlayaan.

Keery ayaa ku tilmaamay arimaha miiska saaran kuwo adadag oo salka ku haya shacuur, iyo taariikh, laakiin waxa uu sheegay in cawaaqibka ka dhalan kara in aan waxba la isku dayin inuu ka sii xunyahay.

Wasiirka Cadaaladda Tzipi Livni ayaa wada xaajoodka hormuud uga noqon doona dhinaca Isreal halka Falastiiniyiintuna uu hogaaminayo Saeb Erekat.
Safiirkii hore ee Mareykanka ee Isreal Martin Indyk ayaa isna wada xaajoodka u matali doona wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka oo howshan garwadeen ka ah.

Martin waxa uu sheegay inuu isku dayayo wax walba oo kalaankiisa ah sidii loo gaari lahaa qorshaha madaxweyne Barack Obama ee ah Israel iyo Falastiin oo laba dowladood oo is garab yaala ah, nabad iyo derisnimana kuwa nool.
XS
SM
MD
LG