Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Qurbe Joogta ku Noqoneysa Somalia


Muddo badan ayay dadka soomaalida ahi ahaayeen kuwo ay ishoodu iyo dhagahooduba daashadeen hadallo ay ka mid yihiin kuwa dhoofay oo muddo dheer ka hor waddanka isaga cararay iyo kuwa sii socda oo dhoof sugayaal ah. Waayadan dambe taasi way is baddashay oo waxaa haddana qalbiyada dad badan oo ku sugan gudaha iyo dibaddba qaboojiyay hadalo ay ka mid yihiin qurbajoog dib ugu laabaneysa waddanka, oo waliba aan laabasho uun ku ekeyne, wax badan ku soo kordhiyay nolosha dadka ee degaanada ay ku laabteen.

Waxaa hana qaaday ganacsiga casriga ah oo aan hore uga jiri jirin dalka iyo sidoo kale xirfadlayaal wax wayn ka baddalay bilicda degaanada ay ku laabteen, kuwaasoo dhamaantoodna wax xoogaa ka baddalay baahidii xagga shaqo la’aanta ee ka jirtay gudaha dalka.

Warbixin gaar ah oo ku saabsan waxa ay qurbajoogtu ku biiriyeen dalka waxa inoo soo diyaarisay soona jeedinaysa Caasha Ibraahim Aden “Caasha Cuud” Warbixinta oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:15:14 0:00
XS
SM
MD
LG