Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Raggii Dilay Sheikh Cabduqaadir oo la Toogtay


Ciidanka Amniga Puntland ayaa Maanta dil ku fuliyay 2 dhalinyaro ah oo la sheegay inay ka dambeyeen dilkii sheikh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo saraakiil ciidan oo Puntland horay uga tirsanaa kuwaaso lala xiriirinayo inay ka tirsanayeen al-shabaab.

Dhalinyarada maanta dilka lagu fuliyay ayaa waxaa dhowaan dil ku xunkuntay Maxkamadda Ciidamada Puntland gaar ahan labada qaybood darajada kowaad iyo midda racfaanka.

labada dhalinyaro ee Maanta la toogtay ayaa kala ahaa Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile oo ahaa ninkii dilay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax isla markaana isla wakhtigii sheikha la dilay ay dadweynaha soo qabteen iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed ''Caynte'' oo ahaa qabanqaabiyihii falkaas kaaso ay soomali land u soo gudbisay Puntland.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Puntland C/kariin Xasan Firdhiye oo dhowaan ka hadlay xukunkii raggan ee Maxkamadda Racfaanka ayaa sheegay in ay jiraan 4 Nin oo kale oo Iyagana lagu xukumay dil iyagoo Maqan Ciidanka amnigana looga fadhiyo inay soo qabtaan waxaana firdhiye uu sheegay xiligaas in ragga Maanta la toogtay ay ka dambeyeen dilalka rag badan ookale.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Puntland C/kariin Xasan Firdhiye oo ka hadlaya dilka lagu fuliyay raggan halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:48 0:00
XS
SM
MD
LG