Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yariisow: Warbixintii UNka Been Baa ka Buuxda


Somalia to Unveil Security Plan
Somalia to Unveil Security Plan
Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa sheegtay inay aqoonsantahay warbixintii dhawaan ay soo saartay kooxda la socodka Cuna Qabateynta Somalia iyo Eritrea, Laakiin waxey dhinaca kale walaac ka muujisay qeybo ka mid ah warbixinta oo ay ku tilmaantay kuwo aan sax aheyn, is burinaya isla markaana aan xaqiida ku saleysneyn.

Afhayeenka Madaxtooyada Somalia Eng: C/raxman Cumar Cusman (Yarisow)ayaa sheegay maanta oo Talaada ah in dowladda Somalia ay ku baaqday in wada tashi haboon laga yeesho warbixinada noocan ah isla markaana la sameeyo Guddi Go’aan ka gaara dhamaan warbixinada Mustaqbalka laga qorayo Somalia.

Eng: Yariisow waxa uu sheegay in warbixinta kooxda Qaramada Midoobay ay taabaneyso arimo muhim ah oo u baahan in si wanaagsan loo eego, Dowladuna ay diyaar u tahay wixii wada shaqeyn ah, fur furaan iyo la xisaabtan.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay ku faraxsantahay qaabka ay uga hadashay qatarta ay al-Shabab weli ku heyso amaanka Somalia, burcad badeedda iyo qaswadayaasha hor taagan nabad ka islaaxda Somalia.

Waxa uu sheegay inta badan warbixinta oo aan lagala tashan dowladda Somalia xogta ku jirta ay ku saleysantahay ku tiri ku teen, xan iyo been la dhoodhoobay.

Waxa uu sheegay In dowladda Somalia ay bilowday qorshe ay ku sameyneyso Hay’ad maamusha Hantida Dadweynaha oo lala xisaabtami karo.

Waxa uu sheegay in aan la dafiri karin tabar darida ka jirta hanaanka hay’adaha maaliyaddu ay ku shaqeeyaan, hase yeeshee buu yiri dowladdu ay wax kasta isku dayeyso si isbedel huffan loogu sameeyo.
XS
SM
MD
LG