Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil u Dhashay Boqortooyada Britain


Kate Middletown oo ah xaaska Amiir William yaa wiil ku dhashay Isbitaalka St Mary's ee Galbeedka London. Wiilka yar ayaa noqonaya qofka saddexaad ee yeellan doona dhaxalka Boqortooyada Britain.

Wiilkan ayaa dhashay saacaddu markay ahayd 4.24 galabnimo, wuxuuna culeyskiisu ahaa 3.8 killo.

Boqortooyada Britain ayaa sheegtay in wiilka iyo hooyadiis ay caafimaad qabaan.

Isitaalka uu wiilku ku dhashay ee ST Mary's waa isla isbitaalkii ay ku dhasheen wiilka aabihiin Amiir William iyo adeerkii Amiir Harry.

Boqortooyada Britain iyo guud ahaan dadka reer Britain ayaa si weyn u soo dhaweeyay wiilka u dhashay William iyo Kate.
XS
SM
MD
LG