Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garsoore lagu Dilay Magaalada Beledweyne


Wararka ka imanaya gobolada dhexe ee Somalia ayaa sheegaya in kooxo hubeysani ay habeenkii xalay ahaa magaalada Beledweyne ee ee gobolka Hiiraan ku dileen Garsoore ka tirsanaa Maxkamada Beledweyne oo lagu magacaabo Macalim Xasan Cilmi Ciyow.

Macalim Xasan ayaa kooxaha Hubeysani ku dhaawaceen meel aan ka fogeyn Gurigisa xili uu ka soo baxay Salaadii Taraawiixda sida ay VOA u sheegeen dad goobta ka ag-dhawaa, iyadoo dhaawacas soo gaaray uu saacado ka dib ugu geeriyoday Isbitaalka magaalada Beledweyne.

Warbixinta oo dhan hoosta ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:05 0:00
XS
SM
MD
LG