Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay


Golaha Ammaanka
Golaha Ammaanka
Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadkan waxaan ku eegeynaa warbixinta guddiga qaramada midoobay ugu qaabilsan dabagalka cunaqabateynta hubka Somalia iyo Eritrea.

Warbixintan oo guddigu uu sannadkiiba mar soo saaro waxyaabaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saarey waxaa ka mid ah, xadgudubka cunaqabataynta hubka, musuqmaasuqa, nabadgelyada, argagixisada, dhibaatooyinka lagu hayo hawlaha gargaarka,iyo umuuro kaleoo kala duwan.

Barnaamijka waxa ka qayb galaya Fowziya Abdulkadir oo ah aqoonyahanad dhinaca arrimaha bulshada oo joogta Ottawa, Canada, Zakaria M Haji Abdi oo ah aqoonyahan iyo siyaasi deggan magaalada London,warbixinta guddiga uu soosareyna lagu xusey inuu ka mid yahay xubnaha hor taagan nabad ka aslaaxda Somalia.

Waxaa kaloo nagala qeyb galaya Dr Abdirahman Baadiyow oo ah aqoonyahan iyo siyaasi ka qeybgaley tartankii madaxtnimada Somalia ee sannadkii hore waxa uu jooga magaalada Nairobi sidoo kale waxaa ka qayb qaadanaya Cabdi Diirshe oo ah aqoonyahan iyo qoraa madax banaan oo deggan magaalada Toronto ee dalka Canada.

Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:36:57 0:00
XS
SM
MD
LG