Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iska-hor-imaadyo kale oo ka Dhacay Dalka Masar


Iska-hor-imaad dhex maray xoogagga ammaanka ee Masar iyo dibadbaxayaal taageersan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi ayaa keenay dhaawaca 22 qof. Taageerayaasha Madaxweyne Mursi ayaa sii wada dalabkoodii ahaaa in isaga xilka lagu soo celiyo.

Dagaalka ayaa Isniintii xalay bilaabmay, soona gabagaboobay subaxnimadii Talaadadii saaka. Iska-hor-imaadku waxa uu ka bilowday bartamaha magaalada Qaahira, hase yeeshee lama mid ahayn isku dhac hore oo la iskaga hor yimid ka dib markii madaxweyne Mursi xilka laga tuuray labo toddobaad ka hor.

Booliiska ayaa taageeryaasha Mr. Mursi ku tuuray qiiqa ilmada keena, halka taageerayashuna ay booliiska dhagaxaan ku tuurayeen. Dadkan ayaa xiray fagaaraha weyn ee Ramsiis ee magaalada Qaahira ku yaalla.

Taageerayaal kale oo raacsan Mr. Mursi ayaa fadhiya isgoyska masjida Raabica Al-Cadawiya ee xaafadda Nasr City. Taageerayaasha ururkan Islaamiga ah ayaa sheegay in ay sii kordhin doonaan dibadbaxyadooda.

Dibadbaxyo kale ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo dalka Masar ah, sida Alexandria iyo Giza.
XS
SM
MD
LG