Isku xirrada

Doorashooyinkii Puntland oo Dib loo Dhigay


Wararka ka imanaya magaalada Qardho ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka dhacay iska horiimaad hubaysan oo dhexmaray ciidanka amniga iyo dad hubaysan oo ka soo horjeeda in halkaasi lagu qabto doorashada golayaasha degaanka. Ugu yarana 4 qof ayaa dhimatay.

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Fraoole ayaa ku Dhawaaqay in la Joojiyey Doorashooyinki Golayaasha deeganka oo lagu waday in Maalinta berri ah qabsoomaan.

Dhinacooda siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aaddan dib u dhigista doorashada golayaasha degaanka iyo qalalaasaha ka dhacay magaalada Qardho. General Cabdullaahi Siciid Samatar oo ka mid ah siyaasiyiintaasi ayaa sheegay in Faroole uu ku khasbanaa dib u dhigista doorashooyinka.

Warbixinno iyo wareysi arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.



Dhiniciisa, waxaa isaguna doorashada baaqatay ka hadlay Cadde Muuse, oo sheegay in arrintan ay horay uga digeen.

XS
SM
MD
LG