Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxooti Soomaali oo ku Dhibaateysan Tunisia


Wararka ka imanaya xerada qaxootiga ee Shuusha ee dalka Tunisa, ayaa sheegaya in Qaxooti iskugu jira Soomaali iyo dalal kale oo ka mid ah qaaradda Afrika ay halkaas ku dhibaateysan yihiin.

Qaxootigan ayaa xeradaas ku jira ilaa bilowgii sanadkii 2011kii. Xeradan oo ku taalla meel u dhowr xuduudda dalka Libya ayaa dadka ku jiraa ay sheegayaan in korontadii iyo biyihii laga gooyey, ka dib markii ay ka dhago adeygeen amar uga yimid hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR oo ahaa inay tagaan magaalooyinka dalka Tunisa.

Haddaba, khadka telefonka ee xeradaas Shuusha ayaan waxan kula xiriirnay Cabdiraxmaan Maxamed Cigaal oo ka mid ah qaxootiga, waxanan marka hore weydiiyey tirada soomaalida ee xeradaasi ku jira.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:33 0:00
XS
SM
MD
LG