Isku xirrada

Shan Qof oo Ku Dhimatay Qarax Muqdisho ka Dhacay

  • Mohamed Olad

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay 15 kalena wey ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo shalay galab ka dhacay, jidka isku xira garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4.

Qaraxaasi ayaa oo uu fuliyay qof wata gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa lala eegtay kolonyo gaadiidka Ciidamada Nabad ilaalinta ee Amisom oo halkaa marayay.

Qaraxaasi ka dib ayaa xalay ciidamada dowladda waxey howlgalo ay dad ku soo qab qabteen ay ka fuliyeen xaafaha ka ag dhow halka qaraxa uu ka dhacay gaar ahaan buula xuubey.

Afhayeenka Booliska General Maxamed Yuusuf Cumar oo Madaale loo yaqaan ayaan VOAda ug waramay Qaraxaasi.

Halkan hoose ka dhageyso.


XS
SM
MD
LG