Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xeerka Saxaafadda oo la Meelmariyey


Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku meelmariyeen Xeerka Saxaafada Soomaaliya oo ay u soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, si nidaam loogu helo warbaahinta. uuna u kala hago dowlada iyo war baahinta madaxa banaan.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdulaahi Ciil Mooge Xersi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa banaan ay ka talo galiyeen sharcigaan, iyo sidoo kale bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka ayaa Xusay in wixii hada ka dambeeya xal loo heli doono xad-gudubyada warbaahinta iyo muranada ka taagan Hirarka FM-yada.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00
XS
SM
MD
LG