Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia & Somaliland oo Qodobo ku Heshiiyay


Somalia iyo Somaliland
Somalia iyo Somaliland
Ergada ka socota Maamulka Somaliland iyo Somalia ee ku shirayay Turkiga ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo ay ka mid tahay maamulka hawada Somalia.

Qodobada kale ee lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in 120 maalmood ka dib lagu kulmo dalka Turkiga iyo in la sii wado wada hadalka.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ka mid ah ergada dawladda Federaalka ah ayaa sheegay in wadahadal dheer ka dib la isla gartay in la soo dhiso guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo maamuli lahaa hawada Somalia iyo dakhliga ka soo xerooda.

Wasiirka Madaxtooyda ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji oo u warmayay VOA ayaa soo dhaweeyay qodobada lagu heshiiyay, wuxuuna uu sheegay inay jiraan qodobo la isku mari waayay kuwaasi oo ay ugu horayso qadiyadda Somaliland iyo isku socodka siyaasyiinta labada dhinac

Fahfaahinta warkan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:48 0:00
XS
SM
MD
LG