Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Qarax ka Dhacay Suuqa Bakaaraha


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Hawlwadaag Mohamed Abukar Jacfar, ayaa VOA u sheegey in qaraxa uu ka dhashey markii bam gacmeed lagu soo tuurey gaari ay wateen ciidamada.

Ilaa iyo haatan lama oga cidda qaraxaasi geysatey, waxaana goobta tegey ciidamo ka tirsan booliska oo baaritaano halkaa ka bilaabey.
XS
SM
MD
LG