Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koox Daacad u ah Morsi oo Qaahira lagu Dilay


Saraakiil ka tirsan Wasaaradda caafimaadka ee wadanka Masar, ayaa sheegay in 34 qof ay ku dhinteen rabshado ka dhacay banaanka saldhig milateri oo ku yaalla magaalada Qaahira halkaasoo ay ku banaanbaxayeen taageerayaasha madaxweynaha xilka laga tuuray ee Maxamed Mursi.

Ururka Ikhwaanul-Muslimiin ayaa ku eedeeyay milateriga inay rasaas ku fureen dad ku banaan baxayey xarumaha Ilaalada Jamhuuriga

Kooxda ayaa ku baaqday kacdoon ka dhan ah waxa ay ugu yeereen “kuwa doonaya inay kacdoonkii bulshada taangi ku boobaan”

Milateriga ayaa si kale u macneeyey sida ay waxa u dhaceen, waxa ayna sheegeen in koox argagixiso ah ay isku dayeen in ay xoog ku soo galaan dhismaha ciidanka, ayna sababeen dhimashada hal askari.

Dhinaca kale taangiyada milateriga ayaa Isniintan maanta ah la dhigay meel u dhow fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira.

Xiisadda ka dhex aloosan mucaaradka iyo taageerayaasha Mr Morsi, ayaa cirka isku sii shareeertay tan iyo markii malaterigu ay maalintii Arbacada xilka xoog uga qaadeen Madaxweyne Morsi.

Labad dhinac ayaa banaanbaxyo rabshado wata oo iska so horjeeda ka dhigay magaalada Qaahira iyo meelo kale oo ka tirsan dalka Masar. Maalintii Jimcihiina waxaa isku dhacyada labada dhinac ku dhintay ugu yaraan 36 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,000 qof guud ahaan dalka Masar.

Xisbiga garabka midig ee Salafi Nour oo markii hore taageeray in xilka laga qaado Mr. Morsi ayaa ka dib rabshadaha Isniintan maanta waxa ay sheegeen in isga baxeen hanaanka lagu soo dhisayo dowladda cusub.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00
XS
SM
MD
LG