Isku xirrada

Turkey: Somalia iyo Somaliland oo Kulmaya Berri


Ergooyin ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga iyaga oo isku diyaarinaya wareeg kale oo wadahadallo ah oo uga bilaabmaya magaaladaasi maalinta berrito ah.

Ergooyinka ku sugan halkaasi ayaa dhinacba kan kale uu ku eedeeyey inuu jebiyey qodobo ka mid ah heshiiskii bishii Apriil 13-keedii lagu gaadhay magaalada Ankara.

Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ka mid ah ergada dawladda federaalka Soomaaliya iyo Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland oo labadooduba ku sugan magaalada Istanbuul, waxa ayna uga warameen shirka berrito furmaya iyo arrimo kale.

Barnaamijka oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG