Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Ikhwaanka oo ku Banaanbaxaya Milateriga


Taageerayaasha madaxweynaha xilka laga qaaday Maxamed Morsi oo banaanbaxaya.
Taageerayaasha madaxweynaha xilka laga qaaday Maxamed Morsi oo banaanbaxaya.
Ururka Ikhwaanul-Muslimiin ee dalka Masar, ayaa ku baaqay banaanbaxyo balaaran oo Jimcahan maanta ah ka dhaca dalka Masar kuwaasi oo looga soo horjeedo awoodda milateri ee xilka looga qaaday Madaxweyne Madaxweyne Morsi.

Ikhwaanka ayaa qeyb ka ah axsaab Islaamiyiin ah oo isu-tagay oo ku baaqay inay banaanbaxyo nabadeed salaadda Jimcaha ka dib ka dhigi doonaan guud ahaan dalka Masar.

Tan iyo markii ay milaterigu xilka ka qaadeen Madaxweyne Morsi, ayaa waxaa weli waddooyinka ka muuqda dabaaldegyo ay dhigayaan kooxahii mucaaradka ahaa ee in dhaweydba banaanbaxayada ka dhanka ahaa dowladda ka dhigayey dalka Masar.

Adly Mansour Guddoomiyihii Maxkamadda Dastuurka ee dalka Masar oo lagu badalay Mr. Mursi, ayaa shalay loo dhaariyey inuu noqdo madaxweynaha ku meelgaarka ah ee dalka Masar, talaabadaas oo ay durbaba gaashaanka u daruureen Ikhawaanul-Muslimiinku.

Islam Abdel-Rahman oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Cadaaladda iyo Xoriyadda ee Ikhwaanul-Muslimiinka ayaa VOA u sheegay in kooxdiisu ayney qeyb ka noqon doonin hanaan siyaasadeed oo milaterigu horkacayaan.
XS
SM
MD
LG