Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Mursi oo Xilka laga Tuuray


Militariga dalka Masar ayaa xilkii ka tuuray madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay, Maxamed Mursi. Ciidanka ayaa magacaabay madaxweyne KMG ah, ka dib dibadbaxyo waaweyn oo dalkaas ka socday maalmihii la soo dhaafay.


Hadal uu telefishanka ka sii daayey Arbacadii ayaa sarkaalka ugu sareeya ciidanka Masar Abdul Fatah Khalil Al-Sisi uu ku sheegay in dastuurkii Masar la hakiyey, isla markaana uu dalka sii maamuli doono madaxa maxmadda dastuuriga ah ee dalkaas. Al-Sisi ayaa caddeeyey in ciidanku ay dhageysteen codka dadka reer Masar, ka dib dalab ka yimid kooxaha mucaaradka ah oo ahaa madaxweyne Mursi uu xilka ka dego.

Hadalkii General Al-Sisi ee telefishinka ka dib, ayaa Mr. Mursi bartiisa Twitterka ee internetka uu ku soo qoray in talaabadii militarigu ay ahayd “afgambi buuxa.” Waxa uu dadka reer Masar ku booriyey inay diidaan talaabadii militariga, hase yeehsee, waxa uu dadka ugu yeeray inay xasiloonida ilaaliyaan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga welwelsan yahay go’aanka ciidanka Masaaridu uu xilka kaga qaaday madaxweyne Mohamed Mursi, isla markaana uu dastuurkii dalka ku hakiyey.

Wareysiyo iyo warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:17:14 0:00
XS
SM
MD
LG