Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Masar oo u Digay Morsi & Mucaaradka


Iyadoo ay weli socdaan banaanbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Masar, ayaa waxaa goor dhow digniin soo saarey ciidamada qalabka sida, taas oo ay ku doonayaan in 48 saacaddood gudahood lagu xalliyo xasaradda taagan.

Ugu yraan 15 qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 700 oo qofna way ku dhaawacmeen iska horimaadyada u dhaxeeya Mucaaradka iyo taageerayaasha Madaxweyne Mursi oo galay maalintiisa 2-aad galey.

Wariyaha VOA ee magaalada Qaahira Xuseen Saxnuuni ayaa ka waramaya wararkii ugu danbeeyey ee xaaladda Masar. Wareysiga Xuseen Saxnuuni halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:13 0:00
XS
SM
MD
LG