Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo Gaaray Dalka Tanzania


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka degey magaalada Daressalaam ee dalka Tanzania, isagoo ku guda jira lugtii ugu dambeysey ee booqasho uu ku marayey saddex dal oo qaaradda Africa ku yaala.

Waxaa Mr. Obama uu wadahadal la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Tanzania Jakaya Kikwete, isagoo dhanka kalena ku dhawaaqi doona barnaamijyo lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Mareykanka iyo Africa.

Hadaba muhimadda socdaalka Madaxweyne Obama uu ku marayo Tanzania, ayaa Daauud Aweys waxa uu ka wareystay Xoghayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee dalka Tanzania Col Abirahman Kinana. Wareysiga iyo warbixin ku saabsan booqashada Madaxweyne Obama halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:11 0:00
XS
SM
MD
LG